Archive for November 16th, 2010

November 16, 2010

Caasimada Ximan iyo xeeb Oo siweyn looga Ciidey

Galgaduud: (Sh. M. Network) Waxa maanta laga wada ciidey gobollada Ximan iyo xeeb dhamaantood

Maamulka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan ximan iuo xeeb oo usoo baxey fagaaraha weyn ee Degmada Cadaado islamarkaana laga dareemey farxad ayaa waxaa habenimadii xalay dadka ku dhaqan degaanadasi lagu wargiliyay in ay maanta tahay Ciid, waxana Subaxnimadii hore ee saakay laga dareemayay magaaladaasi isu soo bax dadka ay u sameynayaan Munaasbadda maalinta farxadda leh ee Ciida.

read more »

November 16, 2010

Madaxwaynaha maamulka Ximan iyo xeeb oo u duuley Nairobi

Warar aan ka helnay caasimadda Ximan iyo Xeeb ee Cadaado ayaa naloo kugu xaqiijiyay in madaxwaynaha maamulka Ximan iyo xeeb mudane Maxamed Moalim Aden Tiiceey iyo wefti uu hogaaminayaa u duuleen magaalada Nairobi kadib markii ay casuumaad ka heleen diplomaasiyiin ku sugan dalka Kenya.

read more »