Axmed Diiriye Cali “Labada Shariif waa inay deg deg u xaliyaan khilaafka dhexdooda ah

Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ku tilmaamay arrin Ayaan daro ah khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamanka KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Nabadoonka oo la hadlay qalabka warfidiyaanada ayaa ugu baaqay labada Shariif in ay si deg deg ah u xaliyaan khilaafka dhexdooda ah, si ay u guda galaan arrimaha dowladda KMG ee Soomaaliya horyaala.
“Labada Shariif waa inay deg deg u xaliyaan khilaafka dhexdooda ah..” ayuu ku baaqay Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah garabka uu hogaamiyo Nabadoon Maxamad Xasan Xaad.

Waxa uu mar kale Afhayeenka Beelaha Hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali ku celiyey codsiinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo oo wali aan ka helin Baarlamanka KMG in ay Codka kalsoonida leh Siyaan ama u diidaan.

Haddalka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa imaanaya xili khilaafka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka u muuqanayo mid sii xoogeysanayo oo dalalka Beesha Caalamka, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika soo faragelinayaan si xal looga gaaro.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: