Taliska ciidamada Amaanka Magaalada Cadaado oo Bandaw ku soo rogay Caasimada Ximan iyo Xeeb ee Cadaado

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Cadaado oo Caasimada u ah Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb ay ka dhaceen falal Amniga dhaawacaya ayaa Ciidamada Nabadgalyada waxa ay ku dhawaaqeen in magaaladu ay tahay bandaw xiliyada habeenkii kaa oo ka bilaabanaya 9:00pm habeenimo ilaa 6:00Am Aroornimo

Taliya Ciidamada Amaanka Magaalada cadaado C/raxmaan kadawo ayaa Idaacad Codka Gobolada Dhexe u sheegay in Talaabadaan looga goleeyahay in lagu Xaqiijiyo Amaanka loogana Hortago falalka Nabadgalyada wax u dhimaya dadka fulinayana looga qaado talaabada ku haboon
C/raxmaan kadawo mar la wiidiiyay Su’aal ahayd waqtiga uu ku egyahay Bandawgaan ayuu yiri waa hawl ciidan waxana ku xirantahay xiliga shaqadooda ay dhameystaan wayna soconeysaa shaqada ay wadaan Ciidamadu ilaa laga gaaro hadafkeena oo ah in Amaanka la xaqiijiyo
Bandawgaan ay Ciidamada Ammaanku ku soo rogeen Magaalada adaado ayaa waxa uu ku soo aadayaa Xilli Maalmihii ugu dambeeyay magaalada ay ka dhaceen falal aan horay looga baran oo xasiloonida dhaawacaya

Radio Codka Gobolada Dhexe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: