Caasimada Ximan iyo Xeeb ee cadaado oo dhismayaashu ku soo badanayaan

Magaalada Cadaado ee Caasimada Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa Bilhii ugu dambeeyay laga dareemayay koror ku yimid dhismayaasha ku soo siyaadaya
Tan iyo markii Ammaan la isku halaynkaro uu ka soo ifbaxay Deegaanada Ximan iyo Xeeb bartamihii sanadkii 2008 ayaa waxa is badalay muuqaalka guud ee Deegaanka waxaana la arkayay dad badan oo maalgashi iyo ganacsi ku sameysanaya Deegaanada Ximan iyo Xeeb gaar ahaan Mgaalada Cadaado iyaga oo markaasi ka faa’iideysanaya xasiloonida iyo Ammaanka ka jira

Dhismayaasha Xilligaan magaalada ku soo badanaya ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo loo dhisanayo Gancsi iyo hooy intaba waxaana muuqanayay maalmihii ugu dambeeyay Guryo laga jabinayo fiyaalaha laamiga kadibna laga dhisayo daaro dhaadheer
Dadka dhisanaya Guryahaan ayaa waxa ay isugu jiraan dad ka yimid dibdda oo door biday in ay dib ugu laabtaan wadankoodoo hooyo iyo dad Deegaanka hor ugu sugnaa

Cabdi Ibraahim Cusmaan waa injineer wax ka dhisa Magaalada Cadaado waxa an wiidiinay sababta ugu wayn ee badisay Dhismayaasha waxa uuna ku macneeyay in ay Nabaddu dhalisay dadku waqtigaan ay ku aaminayaan Deegaanka in ay hantidooda galiyaan, waxa uu intaa ku daray in subax walba ay dhismayaasha u shaqa tagaan boqolaal muruq maal ah oo nolol maalmeedkooda ka hela

Cabdi ibraahim waxa uu intaasi ku daray in maalin walba magaalada Cadaado laga bilaabo 10 iyo dhawr guri halka tiro intaasi ka badana la dhamaystiro taasi oo ku tuseysa in koboc balaaran uu ku socdo baaxadda Magaalada.
Dhinaca kale dhismayaashaan tirada badan waxa ay sara u qaadeen qiimaha lagu iibiyo maadaama dhulka la dhisanayo, mid ka mid ah shaqaalaha waaxda dhulbixinta dawlada hoose ee Magaalada cadaado ayaa sheegay in sara u kac balaaran uu ku yimid qiimaha lagu kala gato dhulka banaan waxaan uu intaa ku daray in dadku ay in dadku ay Xilligaan kala gadanayaan dhul dhawr KM ka fog magaalada
Arimahaan ayaa dadku waxa ay ku tilmaameen Hormar la taaban karo oo Deegaanada ku soo kordhay kaas oo Nabaddu gogol u tahay sidaasi darteena loo baahan yahay in xil wayn la iska saaro Xasiloonida

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: